Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun Ku Saabsan Madaxweyne Trump Oo Kasoo Baxay Maxamakadda Ugu Sarreysa Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Garsoorka maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa xukumay in xogta maaliyadeed ee madaxweyne Donald Trump ay eegi karaan kooxda dacwad oogeyaasha ah ee baadhitaanka ku haya nidaamka canshuur celinta.

Sidaas awgeed, saraakiisha dacwad oogeyaasha ee ku sugan magaalada New York ayaa hadda awood u leh inay gacanta ku dhigaan macluumaad laga ilaalinayay.

Hase yeeshee, kiis kale oo kaas la xidhiidhana, maxkamaddu waxay xukunkeeda ku qeexday in ayna khasab ahayn in xogtaas xasaasiga ah lala wadaago Aqalka Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ee kasoo horjeeda madaxweyne Trump.

Mr Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah – tan iyo wixii ka dambeeyay madaxweyne Richard Nixon, oo xukunka soo qabtay 1970-meeyadii – oo qariyay macluumaadkiisa ku saabsan canshuur celinta.

Qareennadiisa ayaa ku dooday in xasaanaddiisa ay u sahleyso inaan howlihiisa gaarka ah la faragalin karin inta uu xilka hayo.

Waxay sidoo kale sheegeen in Congress-ka aysan heysanin marmarsiiyo ku filan inay helaan xogta dhaqaalaha madaxweynaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this