Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho:Saraakiil Qarax lala eegtay,Khasaaraha+Tirada Dhimashada & Dhaawaca

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho:Saraakiil Qarax lala eegtay,Khasaaraha+Tirada Dhimashada & Dhaawaca
bl.gif?w=1000&ssl=1Gaariga Boolis ee qaraxa lala eegtay

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa sida la aaminsan yahay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaadhi ay leeyihiin ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay ku dhinteen labo askari, sidoo kale ay ku dhaawacmeen seddex qof oo dad shacab ah ay ku jiraan.

 

Sawir laga soo qaaday gaadhiga qaraxa lala eegtay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay qeyb kamid ah oo burburay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this