Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamullada dalka oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in si gooni-gooni ah ay magaalada Dhuusamareeb u gaaraan madaxda maamul goboleedyada oo shir xasaasi ah ku leh magaaladaasi.

Diyaar-garow iyo qaban-qaabo ku aadan shirkaasi ayaa haatan ka socota caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in si aad ah loo adkeeyey amniga magaaladaasi, islamarkaana ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah.

Wararka ayaa dhinaca kale waxa ay sheegayaan in madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Dhuusamareeb laga saaro ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ay horey magaaladaasi u geysay DF Somalia.

Shirka Dhuusamareeb ee beri furmaya ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this