Sign in to follow this  
Deeq A.

 Wejigii Labaad ee Wada-hadallada Somaliland & Somalia ee Jabuuti oo baaqday  

Recommended Posts

Deeq A.   

 Wejigii Labaad ee Wada-hadallada Somaliland & Somalia ee Jabuuti oo baaqday

 jabuuti-2.jpg

Wada-hadaladii  Somaliland & Somalia  bishii hore ee Juun 15-keedii uga furmay dalka Jabuuti ayaa gebi ahaanba baaqday.

Guddiyada farsamo ee labada dhinac oo ku balansanaa kulamo lagu sii ambo-qaadayo wada-hadalada  Somaliland & Somalia, ayaa gebi ahaanba baaqday, xili loo balansanaa inay dib u furmaan bilowgii todobaadkan.

Guddigaasi ayaa ku balansanaa in kulankooda u horeeyo uu dhaco maalintii Sabtida ee la soo dhaafay oo ku beegnayd (A-ta Julaay) ama 15-maalmood kadib maalintii la soo afmeeray wajigii koowaad ee wada-hadaladii labada dhinac ee kala hogaaminayeen  Muuse Biixi & Farmaajo.

Isku soo wada duuboo  inkasta oo si rasmi ah loo shaacin sababaha baajiyey kulankaasi haddana Somaliland iyo Soomaaliya Midkoodna wax war ah ka soo saarin kulankaasi baaqday oo qeyb ka ahaa sii ambo-qaadka wada-hadalada labada dhinac iyo xiliga dib loogu balamay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this