Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay guddoonka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaan maanta kulan gaar ah la qaatay guddoonka Aqalka Sare ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey guddoonka Golaha Aqalka Sare dedaalka ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa watashi ballaaran oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada.

Sidoo kale waxa ay iska waraysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo wadatashiyada quseeya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka Golahaasi, Abshir Bukhaari ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyey tageerada iyo talooyinka muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/ 2021-ka.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

107825529_3136320806462151_2763359034477853965_n 107486056_3136320683128830_8847489199907932881_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this