Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay Ajandayaasha Shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Isniintii Shalay Gaalkacyo ka jeediyay Khudbaddiisa la baxday ‘La-hadalka dadweynaha’ ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay shirka madaxda dowlad goboleedyadu ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in shirka Dhuusamareeb looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan marayo, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka madaxtinimada heer Federaal ee soo socda, iyo sidii looga gaari lahaa xal siyaasadeed oo loo dhanyahay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ujeedkiisa ay kamid tahay sidii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ay uga wada-arrimin lahaayeen arrimaha siyaasadeed ee waddanka, si looga gudbo marladda hadda uu dalku marayo.

Madaxweynaha, ayaa intaas raaciyay in maadaama guddiga doorashooyinka heer Federaal ay caddeeyeen in aysan doorasho qof iyo cod ah ku qaban Karin wakhtigeeda, sidaas darteed uu soo xirmay xalkii Qaanuuniga ahaa ee doorashada, islamarkaana loo baahanyahay xal siyaasadeed.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay Ajandayaasha Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this