Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Wanlaweyn oo dib shaqadiisa loogu fasaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa dib shaqadiisa ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dikreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa dib shaqadiisa loogu celiyay Guddoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo 12-kii bishii April ee 2020 lagu sameeyay shaqo joojin.

Mr Siidow Maxame ayaa shaqa joojinta lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay dagaal beeleed xun oo ka dhacay Wan-laweyn kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

qaa.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Wanlaweyn oo dib shaqadiisa loogu fasaxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this