Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa HirShabelle oo lagu dilay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle lagu dilay wadada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow, waxaana dilkiisa sheegatay Al-Shabaab, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka.

Canab Axmed Ciise guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa ka warbixisay dilka xildhibaanka, waxaana ay sheegtay in lagala dagay gaari uu la socday oo ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday dhanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo Alle uga bariday in xildhibaankaas uu ka waraabiyo Janadiisa Firdowso.

Dhinaca kale ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabeen agagaarka degmada Balcad, kuwaas oo lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey dilka xildhibaankaasi.

Amniga wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa in muddo ah laga deyrinayey, waxaana horey loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka HirShabelle, kadib weeraro ay halkaasi ka fuliyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this