Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo ka hadashay dagaal beeleed ka dhacay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday deegaanka Filla Dheere oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray maleeshiyaadka diriraya, isaga oo ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka.

Shalay ayey aheyd markii labo beelood oo walaalo ah ay ku dagaalameen duleedka degmada Warsheekh, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this