Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ‘lagu qabtay’ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howl-gallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada ku xeeran baraha koontarool ee laga galo magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in haatan dhalinyaradaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamaarkaana loo gudbiyey saldhigga Booliska ee magaalada Baydhabo.

Dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa yimid, kadib markii madaxweynaha maamulkaasi uu amray in la xoojiyo amniga magaaladaasi.

Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii qarax miino oo Al-Shabaab ay sheegatay uu ka dhacay duleedka Baydhabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this