Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarad ku soo wajahneyd  Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarad ku soo wajahneyd  Hargeysa

diyaarad.jpg

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya maanta hawada ka celisay diyaarad Qaad siday oo ku soo jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Diyaaradan oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer ayaa siday jaad nooca loo yaqaan miirowga ee ka baxa dalka Kenya, waxaana Jaadkan lahaa ganacsato kasoo jeeda Somaliland.

Wasaarada Duulista iyo hawada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaaradaasi dib hawada looga celiyay kuna laabatay magaalada Wajeer ay ka soo duushay.

Jaadkii Somaliland uga imaan jiray dhinaca dalka Itoobiya ayaa yaraaday maalmihii lasoo dhaafay kadib khalalaase iyo rabshado ka qarxay dalkaas, waxayna ganacsatada jaadka ka dalbadeen Kenya in jaad looga keeno taas oo maanta suurto gali weyday.

Soomaaliya ayaa joojisay in diyaarado jaad sida dalka soo galaan kadib markii dalka uu soo galay Xanuunka Coronavirus,Dawlada Somaliland oo horey jaadka u joojisay ayaa Goor dambe dib u fasaxday.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this