Deeq A. Posted July 4, 2020 (SLT-Kampala)-Wiil 29-jir ah oo u dhashay dalka Uganda isla markaana ku shaqeysan jiray mooto ayaa ku dhintay gudaha saldhig boolis oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaasi ka dib markii uu isgubay oo uu dab is-qabadsiiyay. Xuseen Walugembe ayaa isgubay ka dib markii ciidamada boolisku ay qabteen oo ay saldhigga geeyeen mootadii uu ku shaqeysan jiray. Arrintaasi ayaa ka dhacday degmada Masaka oo qiyaastii 135 km koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee Kampala. Qaar ka mid ah dadka ku shaqeysta mootooyinka ayaa ku doodaya in askartaasi booliska ahi ay dalbadeen 40 doollar oo laaluush ah si ay Xuseen ay ugu sii daayaan mootadiisa. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in guud ahaan waaxda taraafikada ee degmadaasi uu haatan ku socdo baadhitaan arrintaasi la xidhiidha . Wararku waxay sheegayaan in Xuseen uu ku noolaa guri ku yaalla saldhigga dhexdiisa isla markaana uu askarta u geyn jiray cunto. Mootada ama dhug-dhugleyda ayaa aad looga isticmaalaa dalkaasi Uganda, waxaana sidoo kale qaaradda Afrika oo dhan noolal maalmeed ka raadsada oo ku shaqeysta dhallinyarada shaqo la’aanta ahi. Balse dalka Uganda, waxaa dadkaasi mootooyinka ku shaqeysta laga mamnuucay in ay qaadaan wax rakaab ah sababo la xidhiidha curudka Covid-19. Waxaana loo ogol yahay oo kaliya in ay shaqeystaan laga billaabo 6:30 aroornimo ilaa shanta galabnimo, iyagoo qaadi karaya oo kaliya alaabaha. Sida ay boolisku sheegeen Xuseen Walugembe ayaa isniintii dhaweyd mootadiisa u dhiibay nin ay saaxibbo yihiin, kaasi oo markii dambe boolisku ay ku qabteen isaga oo sida qof rakaab ah.Xuseen ayaa lagu soo warramayaa in uu ka cadhooday booliska oo marar badan oo uu saldhigga tahay weydiistay laaluush si ay u siidaayaan mootadiisa. Khamiistii dorraad ahayd ayuu isku soo xidhay qol ku yaalla gudaha saldhigga, ka dibna batrool ayuu isku shubay oo waa uu isgubay. Source Share this post Link to post Share on other sites