Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb-galayey munaasabad ay soo qaban-qaabisay Madasha Xisbiyada Qaran oo loogu dabaal-dagay maalmaha xoriyadda ayaa waxa ay ka hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada la filayo in la qabto 2020 illaa 2021.

Ugu horreyn Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka la siiyey fursad ku filan oo afar sano ah, islamarkaana ay ka ka gaabisay dhammaan dadaalladii laga sugayey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay diyaar u yihiin inay dowladda kala shaqeeyaan arrimaha doorashada, si looga gudbo caqabadaha jira.

Dhankiisa guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inuu dhammaaday muddo xileedkii dowladdda, islamarkaana aysan muuqan diyaar garow doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Shariif ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin qorshe kasta oo mudada loogu kordhinayo madaxda dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this