Deeq A. Posted July 3, 2020 Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Xadgudubyadda loo geysto Saxaafadda ku sugan degaanada mamulka Somaliland. Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Safaaradda ayaa ugu baaqday hogaanka Somaliland inay xushmeeyaan isla markaana ay difaacaan xuquuqda xoriyadda hadalka. “Safaaradda Mareykanka waxay ku celcelinaysaa sida ay uga go’an tahay difaaca Saxaafadda. Waxaan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Somaliland inay ixtiraamaan, dhawraan oo ilaaliyaan xuquuqda xorriyadda hadalka” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Safaaradda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites