Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Munaasabad mahadcelin ah u sameeyay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?w=1000&ssl=1

Munaasabad loogu mahadcelinayay xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ayaa kulan ay ku yeesheen  magaalada muqdisho ku ansixiyay 13 xubnood uu Gobolka Banaadir ku yeelan doono Golaha Aqalka sare.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Munaasabad mahadcelin ah u sameeyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this