Sign in to follow this  
Deeq A.

Askarigii labada qof ku dilay Boondheere ee sababay dibad-baxyadii Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo bishii Ramadaan ee la soo dhaafay laba qof oo shacab ahaa ku dilay Boondheere.

Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada saldhigga degmada Boondheere ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu ku dhaawaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Shuute ayaa sheegay in lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa dilka marxuuminta Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullahi Cabdi oo uu dilkoodu ka dhashay banaan-bax rabshado watay oo 24-kii bishii Apriil ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Dable Boolis Xasan Aadan Xasan uu heysto fursad kale oo uu ka qaadan karo racfaan, haddii uusan ku qancsaneyn go’aankaasi.

Dhageysiga dacwaddaan ayaa soo bilaabatay 28-kii bishii June, iyada oo ay maanta go’aan ka gaartay maxkamadda darjada 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Intii ay socotay dooda waxaa sidoo kale maxkamadda ku sugnaa xubno ka tirsan marxuumiinta oo goobjoog ahaa dhageysiga dacawadda askariga maanta la xukumay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this