Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo Somaliland uga digay inay xiriir la yeelato Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa Somaliland uga digtay inay xirir dublumaasiyadeed la samaysato Taiwan oo ay u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha.

Taiwan ayaa sheegtay inay xafiis ka furaneyso Hargeysa oo ah caasimada Somaliland, kadibna safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka digtay xiriir lala sameeyo Taiwan.

Wada-hadal dhex maray wasiirada arrimaha Dibadda Taiwan iyo Somaliland ayey ku heshiiyeen in midba mid kale u aqoonsado dowlad madax-banaan, islamarkaana ay is-dhaafsadaan wakiilo iyo in baasaboorka Somaliland lagu tagi karo Taiwan.

Shiinaha ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb ka mid ah dhulkeeda, wallow ay madaxbanaani sheegtaaan.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yiri bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin magaca Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this