Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuugista Buuriga Casriga Ah Ee LYFT Oo Si Xawli Leh Ugu Fidaya Somaliland Iyo Khatartiisa Caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Buuri dhawaan dalka la keenay ayaa durba si xawli leh ugu dhex fiday dalka iyada oo dhallinyaro iyo dad waayeelka lihi ay durba ku ibtiloobeen si xunna ula qabsadeen taasi oo halis weyn oo caafimaad leh.

Somaliland oo marka horeba dhibaato weyni ka taagnayd balwadaha umadda aafeyey ee ay ka mid yihiin Qaadka, Shiishadda, Khamriga, Xashiishadda iyo kuwo kale ayaa waxa uu Buuriga casriga ah ee LYFT noqday aafo kale oo ku soo korodhay qaranka oo halis weyn oo caafimaad iyo mid bulsheedba leh.

Zizuu Zidane Caamir oo ka hadlayay dhibaatada buurigani caafimaadka Bulshada u leeyahay waxa uu yidhi: “Isticmaalka Tubaakada Lyft waa mid kamid ah waxyaabaha ugu awoodda badan ee keena “Oral Cancer” ama kansarka ku dhaca Afka. Sidoo kale waxay keeni kartaa Kansarka ku dhaca Caloosha iyo xanuuno badan oo uu kamid yahay Wadna xanuunka, gaastariga iyo kuwo kale. Tubaakadani Waxay ka samaysan tahay maadada “Nicotine and other Chemical components”. Kuwaas oo qabatin leh isla markaana halis wayn ku ah Caafimaadka Waana mid daanka la dhigo. Hase ahaatee waxa halis badan marka lays garab dhiggo iyada Tobacco-da snus ama Lyft iyo Sigaarka. Sida ay sheegaan khubarada Caafimaadka sigaarka ayaa ka khatar badan. Dadka qaar waxay damcaan in sigaarka la qiijininayo ay ku beddelaan noocyada Tobacco-da afka laga qaato balse waa “Kud ka guur oo Qanjo u guur”.

Sirkadda (BAT) British American Tobacco ee Maandooriyaha Sigaarka iyo Tubaakadda soo saarta waxay samaysay suuq-gayn ay ugu yeedhay “Next Generation Products” (NGPs) wax soo saarka Jiilasha soo socda taas oo maal gellin xooggan ku socod siinaysa Alaabteeda ahna inay badeecaddeeda ku faafiso meel walba oo ay dhaqaale kaga helayso isla markaana lagu Aafeeyo dhalinyarada. Waxayna ku dooddaa marka laga horyimaaddo Buurigeeda in la habeeyay oo laga yareeyay maadada Halista ah ee Nicotine, taasina waa been.

Buurigan waxa aad looga isticmaala Wadamada Scandinavian-ka ee qaaradda Europe sida Sweden oo ku caanbaxday Buuriga canka la dhiggo ee Snus iyo Maraykanka. Waddamadaas dadkoodu ay isticmaalan laftoodu way garwaaqsan yihiin inay khatar ku tahay Caafimaadka Tobacco-da Lyft.

Iyadoo marka horeba dhibaatooyinka Jaadka, Sigaarka, Buuriga iyo Maandooriye-yaasha kale ay bulshada ku hayaan xad dhaaf tahay loona baahnaa in la xakameeyo haddii kuwo kale oo hor leh la ogolaado in bulshadu lagu dhex faafiyo waa mid murugo xanuun badan leh.

Lyft Waxay Aafaynaysaa dhalinyarada oo Cuudka iyo Caafimaadkaba ka qaadaysaa. Sidoo kale dhaqaalaha dalka way wiiqaysa. Qofka dhallinyarada ah ee isticmaala ma korayso maskaxdiisu qofka wayna haba sheegin!.

Gudaha Somaliland bilihii ugu dambeeyay waxa aad looga qayliyay halista maandooriyaha Tubaakada lagu magacaabo Lyft haday tahay Masaajidada oo Culimaa’u ddiinku kaga hadleen iyo hadday Warbaahinta ama baraha bulshada ah ay bulshadu kaga cabatay si looga joojiyo dalka cidda ka ganacsatana ama lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaado.

Markasta oo Maandooriyayaashu soo bataan waxa faraha kasii baxaya Amniga, mustaqbalka dhalinyarada iyo guud ahaan akhlaaqdii bulshada, sidaa awgeed Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland haday tahay Wasaaraddaha ganacsiga iyo arrimaha gudaha, diinta iyo awqaafta, iyo guddida wanaagsan faridda waa in laga hawl galaa sidii loo joojin lahaa Maandooriyaha cusub ee la maagan yahay in dalka lagu faafiyo oo durba dhibkiisu muuqdo”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this