Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Dowlad Shisheeye Ku Eedeyey Dilka Fanaankii Caanka Ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dowladda Itoobiya Abiye Axmed ayaa xiligan la tacaalaya xiisadda iyo rabshadaha ka dhashay dilka loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay qawmiyada Oromada kana mid ahaa mucaaridkiisa.

Rabshadaha ka dhacay caasimada Addis Ababa ayey illaa iyo hadda ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada.

Fanaan Hundeessaa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ahaa mid qorsheysan.

Salaasadii ayey magaalada Addis Ababa ka bilaameen kacdoon ay sameenayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi.

Waxaana lagu wadaa in maanta oo khamiis ah fanaankan lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Ambo oo 100km dhanka Galbeedka ka xigta caasimada Addis Ababa.

Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo aanu magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee.

Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sannadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this