Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Oo Si Kulul Uga Soo Horjeestay Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Shiinaha ayaa war kasoo saartay xidhiidh dublimaasiyadeed oo ay sameysanayaan Taiwan iyo Somaliland iyada oo Shiinuhu u aqoonsantahay Taiwan qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha.

Taiwan ayaa waxa ay sheegtay in ay xafiis ka furanayso magaalada Hageysa ee caasimadda Somaliland, iyada oo tallaabadaas uu si deg deg ah uga hadlay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan ayaa la sheegay in ay Taleefoonka kaga wadahadleen nooca xidhiidhka dhexmaraya iyaga oo ku heshiiyay is aqoonsi iyo in midba midka kale Baasaboorkiisa uu ku tago Soomaaliland ama Taiwan.

Dhinaca kalan dowladda China ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, in kasta ay madaxbanaani sheegato.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrintaan waxaana uu tilmaamay in warkaan aanu aheyn mid aan cuntami doonin sida uu hadalka u dhigay.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yidhi bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland.

Chain.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this