Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo baareyso sababtii ka dambeysay dagaalkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan iska hor imaadkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Falagle ayaa wareysigan ku sheegay in dagaalka uu yimid, kadib kala shaki soo kala dhex-galay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan shaqaaqadaasi, islamarkaana ay guddi u saareen.

Dagaalkii shalay ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo NISA, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this