Deeq A. Posted July 2, 2020 Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa loo daadgureeyay caasimadda dalkaas si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa. Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qulqulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya. Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta. Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay. Ilaa iyo haatan ma ay cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo balse Booliska ayaa sheegay in ay dilka ninkaasu u xireen laba qof. PUNTLAND POST The post Dad ku dhintay Rabshadaha ka socda Waddanka Itoobiya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites