Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha oo si adag uga hortimid Xiriirka Somaliland iyo Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay maalintii Arbacada shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo an weli labadaba Caalamku Aqoonsan.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twiter-ka Safaaradda Dowladda Shiinaha ee ay Soomaaliya ku leedahay ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinuhu aysan aqbalayn in dhulkeed la kala jaro.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dhawaan booqday Taiwan ayaa dhigiisa Taiwan heshiis la saxiixday,Waxayna labada dhibac is dhaafsadeen diblumaasiyiin.

Taiwan ayaa aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliland oo sheegtay in lagu tagi karo dalkaas aan wali aqoonsiga helin

Somaliland ayaa wakiil cusub magacowday Taiwan si uu uu sii xoojiyo xiriirkaan cusub oo ay ku dhaaqeen Maxamed Cumar Xaaji ayaana loo magacaabay xilkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Shiinaha oo si adag uga hortimid Xiriirka Somaliland iyo Taiwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this