Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo xilli habeenimo ah gaaray degaanka Xeraale

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay gaaray degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu soo dhaweeyay isaga iyo wefdi uu hogaaminayay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo dhowaynta kadib la hadlay dadka degaanka ayaa sheegay in Xeraale ay ka mid tahay meelaha ugu amniga fiican Soomaaliya gaar ahaana Galmdug isaga oo timaamay in aysan jirin degaan sidaas oo kale xilli habeen ah dadku isu soo bixi karaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray dadka ku nool degmada Xeraale waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay nabadda kasii shaqeeyaan oo ay iska ilaaliyaanw ax kasta oo nabadda khalkhal gelin kara.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Socdaalka uu ku tegay halkaas uu yahay socdaalkii Nabadda Galmudug isaga oo xusay in reer Galmudug ay u soo jeesteen wax qabsi iyo in ay tusaale u noqdaan Somalia inteeda kale.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo xilli habeenimo ah gaaray degaanka Xeraale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this