Sign in to follow this  
Xudeedi

Professor, Poet, Community Organizer Saciid Saalax wins the Virgina McKnight Award...

Recommended Posts

Xudeedi   

abwanfinland5.jpg Xalay Fiidnimadii markii ay ahayd saacadu 20:30 ayaa waxaa garoonka weyn ee magaaladda Helsinki kasoo degay Macalin Siciid Saalax oo ka yimid dhinacaas iyo wadanka Sweden oo uu ugasoo qayb galay shirsanadeedkii macalimiinta luqadda Soomaaliga dhigta oo sanadkan lagu qabtay magaaladda Stockholm.

 

Macalinka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey dadweyne soomaaliyeed oo runtii aan u arkay inay ahaayeen kuwo rabay xaqiiqddii inay arkaan macalinkan lauqadda Soomaaliyeed waxbadan kasoo qabtay iyo guud ahaan suuggaanta Soomaaliyeedba,dadweynahaas oo aan qaarkood horey ugu suuro gelin inay wadankii hooyo kula kulmaan ayaa waxaa maanta ay waqti u heleen oo ay kusoo dhaweeyaan Macalinkaas.

 

Ka dib soo dhaweeyntaas ayaa waxaa loosoo galbiyey macalinka xurun loogu talagalay inuu dadweynaha soomaaliyeed ee reer Finland kula hadlo,xaruntaas oo ay diyaariyeen uruka KANAVA.

 

 

Haddaba waxaa ugu horeeyn hadalo soo dhaweeyn ah halkaas kasoo jeediyey Gudoomiyaha ururka Kanava mudane Abdulqadir "Waxaan ugu horeeyn anigoo ku hadlaya magaca jaaliyadda Finland aan ku soo dhaweynayaa wadankan Finland" Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xunyahay macalinka oo maanta oo dhan cashiro ka bixinayay wadanka Sweden inuu haddana usoo dhoofo wadan finland si uu waqti usiiyo jaaliyadda Finland iyo weliba inaga oo og inuu macalinku beri uu u dhoofayo festifal ka dhacaya wadanka Ingiriiska oo lagu casumay macalinka intaas waxaa hormarsaday Guddoomiyaha kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow.

 

Abdulqadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waqtiga oo yar iyo inaga oo rabna inaan macalinka ka faaideysano ayaa waxaan ka jaaliyad ahaa rabnaa inaan weydiisano labo arin inuu fikrad kooban naga siiyo kuwaas oo kala ah:

 

1-Nolosha Soomaalidda kunool wadanka maraykanaka, qaas ahaan meesha uu ka degan yahay ee gobolka Minnesota.

 

2-Muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay luqadda Soomaaliga.

 

 

Abdulqadir ayaa waxaa uu intaas ka dib kusoo dhaweeyey Prof. Ahmed Wehliye (Ahmed Heji).

 

Prof. ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan caawa heysanaa fursad qaali ah oo aan laheli karin, taas oo ay weli sii dheertahay tii oo aan lacag aheyn,marka inta caawa waqtiga u heshay waxaan u rajaynayaa inay helidoonaan waxyaabo badan oo ay uga baahan yihiin luqadda Soomaaliga iyo guud ahaan dhaqankeenii maguuraanka ahaa".

Ahmed ayaa waxaa uu isagoo hadalkiisa sii wata yiri "Macalin Siciid Salax uma baahna inaan idiin sharaxo taarikhdiisa oo waad lawada socotaan,lakiin waxaa marnaba la hilmaami karin taariikhda macalinnimadda iyo tii aasaskii kooxda Iftin".

Prof.Ahmed Heji ayaa waxaa uu intaas raaciyey inuu jeclaan lahaa haddii uu macalinka ku dari karo inuu wxa nooga sheego abaalmarintii uu helay iyo sida uu ugu gudbiyo wax dadka reer maraynkan.

 

 

Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu wareejiyey Dr Hassan hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa "Aduunka waxaa laysku dhaafay waa aqoonta, aqoontuna waa waxa biniaadamka isku xira,haddaba aqoonta noocaas ah dadka ku taqasusay mid ka mid ah ayaa maanta nala jooga, marka waxa nalooga baahan ayahay inaan ka faa`iidesano".

 

Intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Macalin Siciid Saalax oo dadkii halkaas isugu yimid uga mahadceliyey sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey,ka dibna waxaa uu halkaas ka bilaabay hadalkiisii waxaana ka mid ahaa "Noloshayda badankeed ayaan bare ahaa" ayuu yiri Abwaanka oo dadka reer Helsinki lahadlayey "min dugsi hoose, dhexe, sare illaa jaamacad ayaan bare ka soo noqday" ayuu raaciyey.

 

"Markii aan Mareykan imid-na, si bilaash ah ayaan arday Soomaaliyeed wax ku bari jiray, ka hor intaaneey-ba shaqo ii noqon".Macalinka oo kaftamayey ayaa waxaa uu yiri Dadka badankiis waxaa ay iyiraahdaan Abwaan,lakiin abwaanimadda waxaa ii geeyey macalinnimadeyda,"Qolka ayaa igu yaraada" ayuu yiri isagoo ka hadlaya iskuulka uu wax ka dhigo " Markaas ayaan u yididiiloodaa inaan jamaahiir ballaaran codkeyga gaarsiiyo" Macalinka ayaa yiri", Markaas ayaan dhinaca abwaanimadda u isticmaalijirey.

 

Abwaanka ayaa mar uu ka hadlayey dadka soomaaliyeed ee degan Minnesota ayaa waxaa uu sheegay inaan qiyaas ahaan lagaranayn,isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yiri "2001 wixii ka horeeyey waxaa lasocdey tiradda guud ee magaaladdaas, xiligaas wixii ka danbeeyey waxaa bilaaawdey tirooyin isdhinac ordaya"

.

Macalinka oo ka hadlayey magaaladan sababta ay u noqotay magaaladda ugu Soomaalidda badan waqooyiga ameerikka ayaa waxaa uu kumicneeyey"Magaaladda ayaa waxaa ay ahayd magaalo shaqo oo waxaa looga imaan jiray magaalooyinka kale ee Maraynkanka ilaa iyo Canada" isga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri "Magaalada ayaa waxaa tanlabaad markii ay Soomaalidu kusoo badatay waxaa noqonay in aan caan ku ahaano waxyaabo ay dadkii magaaladaas aan ugu imaanay ay nooga heleen,macalinka oo ka hadlaya arinkaas waxaa uu yiri ", dadka Soomaaliyeed sede arin ayey caan ku yihiin ee degan halkaas:

 

1.Dad shaqo badan

2.Dad aamin ah

3.Dad dhexgala dadka kale.

 

 

Macalinka oo ka hadlayay luqadda Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay inaysan laqudan ahayn mid afar reer guuraa ah laga keenay isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri "3000 CD inay jirtay luqadan oo aysabn ahayn mid afar reer guuraa ah la keenay"macalinka ayaa waxaa uu intaas ku daray" iskaba daa inay wadan kaas ku koobnaateee xitaa layiraahdo luqadaha aduunka waxaaba ay kasoo jeedaan bariga afrika" macalinka ayaa inataas waxaa uu raaciyey "Xitaa waxaa lagu fiiriyey DNA lana soo ogaaday inay luqadaha badankooda kasoo jeedaan halkaas".

 

Macalinka ayaa waxaa intaas ka dib la weydiiyey suáalo, waxaa uu hlkaasna uga jawaaabay dhamaan wixii laweydiiye iyadoo dadkii kasoo qayb galayna ay si wanaagsan uga heleen waloow uusan ahayn nin looga bogan karo suugaantiisa iyo macalinimaddiis saacaddo iyo maalmooyinba.

 

Haddaba aqristayaal waxaan idiin sii raacinayaa xoogaa taariikh oo macalinka

 

Hadii mahadhadiisa la soo hadal qaado, abwaan Siciid Saalax wuxuu curiyey in ka badan 32 riwaayadood iyo tobaneeyo heesood. Midda ugu magac dheer riwaayadihiisa waa middii uu alifay inta uu curiyihiisu carjawga ahaa: "Iftiinka Aqoonta" oo uu 1974-tii, markii Ololaha Horumarinta Reer Miyiga loo tafa-xaytay allifay. Heesta caanka ah ee "Alif la kor dhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday" ayaa si weyn loogu xusuustaa riwaayaddaas.

 

Abwaan Siciid Saalax oo aan wali dhulka dhigin qalinkii uu Camuud iyo Lafoole khadda ka soo darsaday ayaa imminka bare ka ah jaamacad ku taala Minneapolis oo uu ka dhigo luqadda Soomaaliga . Isagoo taas ka amba qaadaya ayuu wakhtiga u soo hara allifaa riwaayado ama sheekooyin gaaban oo la xiriira dhaqanka irdhoobay ee Soomaalida. Waxaa kamid ah: "Fariimaha Koorta", "Kalamaan" iyo "Nabad & Caano" Dhab ahaantii.

 

 

Gacantii buugga iyo qalinka dhigi weysaaba mar beey billad ku bullaashaa. , Abwaan Saciid Saalax Axmed ayaa ku guuleystay billada qadarinta leh ee Adeegga Bulshada oo ay abaal mariso hay’adda Mcnight Foundation ee saldhigeedu yahay gobolkan Minnesota.

 

Abwaan Siciid Saalax wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag ee Somaliya, halkaas uu illaa dugsi dhexe ku qaatay, ka hor intaanuu cagtiisa la helin dugsiga sare ee Camuud ee Boorame. Malaha halkaas oo uu ka soo shitay shumacii iftiimayey ee waxbarashada tayada leh ee Camuud. Jaamacadda Lafoole ayuu kadib-na galay.

 

Abwaan Siciid waa Soomaaligii labaad ee ku guuleysta billada noocan ah.

 

Sifooyinkiisa, Siciid Saalax, wey dhaafsiisan yihiin Macalin oo kaliya; Waa Abwaan, gabyaa, mu’allif ama curiye, soo saare, nabadoon iyo midda ugu muhiimsan: U adeegaha bulshada. Taas oo uu ugu dambeyntii ku mutay billadda Virgina McKnight Binger Award oo ay ku lifaaqan tahay kuus gaaraya $7500.00 Xaaskiisa iyo 15 ubadkiisa ah, oo isugu jira kuwa uu dhalay iyo kuwa ay sii dhaleen ayaa ku caafimaad qaba gobolkan Minnesota,USA iyo Helsinki Finland.

 

Dadka si xeel dheer u yaqaan Abwaan Siciid Saalax Axmed waxeey isku raaceen inuusan marnaba isla weyneyn, uuna ka saaxiib yeelan karo carruur iyo ciroole, hadba sidii ciyaartu u qabato.

 

Source: Calanka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saciid Saalix waa nin aad u wanaagsan somal badan oo reer MN ahna aad u caawiyey xagga tacliinta & xagga kastaba runtii aqoontiisa & waayo aragnimadisa u gudbin kara meelaha kale ee Europe iyo carbaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Originally posted by Allamagan:

Saciid Saalix waa nin aad u wanaagsan somal badan oo reer MN ahna aad u caawiyey xagga tacliinta & xagga kastaba runtii aqoontiisa & waayo aragnimadisa u gudbin kara meelaha kale ee Europe iyo carbaha.

Waa halyey u istaagan arimaha bulshada, waa aqoon yahan mug weyn ku leh mowduuca suugaant, waa macalin kudayasha mudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this