Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Adeer u ahaa Fanaankii la dilay ee Rabshaduhu ka kaceen oo isna la dilay+Tirada dadka ku dhintay Rabshadaha Itoobiya 

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Adeer u ahaa Fanaanka la dilay ee Rabshaduhu ka kaceen oo la dilay+Tirada dadka ku dhintay Rabshadaha Itoobiya

Xaalada dalka Itoobiya ayaa ka sii dareysa, kadib qalalaasaha ka dhashay dilkii fannaanka caanka ahaa ee ka soo jeeda Oromada dalkaasi Hacalu Hundeessaa ee ka dhacay magaalada Addis ababa.

Sida uu sheegay Taliyaha Booliska gobolka Oromada Ararsa Merdassa dad ka badan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasaha ka socda dalka Itoobiya, waxaana dadka la dilay ka mida nin adeer u ah fannaanka oo warar kala duwan kasoo baxeen dilkiisa.

Ninka adeerka u ah Fannaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ku dhintay bam lagu weerarray gurigiisa, halka dad kalena ay sheegayaan inay toogteen ciidamada amniga, markii ay isaga hor yimaadeen in meydka fannaanka laga qaado Guriga Qoyska, iyadoo markii dambe la geeyay xarunta ciidamada ee duleedka magaalada Ambo.

Dadka ku dhintay rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa u badan dad shacab ah oo tiradoodu gaareyso 73, iyadoo sidoo kale lagu dilay 3 ka mida ciidamada Booliska Oromada, waxaana 7 ka mida dadka dhintay lagu dilay magaalada Addis ababa.

Aaska fannaanka Hacaluu ayaa lagu waday in kumanaan dad ah ka qeyb galaan, waxayna dhalinyaradda Oromada doonayeen in lagu aaso halkii lagu dilay ee magaalada Addis ababa.

Ciidamada amniga ayaa lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dad careysan oo bannaanbax ka waday Gobolka Oromada, iyadoo lasoo sheegay rabshado lagu burburiyey xarumaha dowladda.

1024x538_567525.jpg?resize=696%2C366&ssl 36000370_101.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 50981679_303.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 161003093444-07-ethiopia-stampede-10-03- 202071637292137398828549.jpg?resize=696% rrrr.jpg?resize=696%2C391&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this