Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoojinta Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Asalaamu Calaykum

Marka hore waxaan aad u hambalyaynayaa Xidhiidhka sii kobcaya siina koraya ee u dhexeeya labada Dal iyo labada shacbi ee qadiyada gaarka ah wadaaga. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa Geesiyaashii xidhiidhkan sanadaha badan ka soo shaqaynayay ee ay ka midka ahaayeen Amb Ali Adam Cawaale, Amb Ayaan Cashuur, Amb Baashe Cawil, Amb Muniir Abu Zite iyo masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Debada ee imika xilka haya iyo kuwii ka horreeyayba oo si hoose iyo si muuqataba hawshan u dhirraan-dhirrinayay ugana shaqaynayay sanado badan.

Somaliland oo uu Albaabkeedu u furan yahay cid kasta oo wax la qabsanaysa, waxaa ku waajib ah inaanay cidna uga habrran ugana sheexin ama ku xaq dhowrin cidii ay xidhiidh la samaysanayso ee ay danaheeda ka dhex aragto, waana muhiim in ay Somaliland yeelato ku dhac iyo dhiirranaan ay ku beegsato meel kasta oo ay danteedu ku jirto.

Waxay ahayd bishii June ee sanadkii 2018 markii Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Debada Somaliland Mudane Liibaan Yusuf iyo Anigu aanu kulan balaadhan kula yeelanay magaalada Brussels ee xarunta Dalka Belgium Safiirka Dalka Taiwan u jooga Midowga Yurub Ambassador Harry Tseng. Safiirka Dalka Taiwan waxa uu Somaliland tusay waji fiican iyo inay diyaar u yihiin inaynu wax wada qabsano.

Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Masuulka uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay inuu Wakiil inooga noqdo Dalka Taiwan, waa Masuul karti iyo aqoonba leh oo aan hubo inuu door weyn ka qaadan doono xoojinta xidhiidhka labada Dal iyo labada Ummadood ee Somaliland Iyo Taiwan, waxaanan Allah ka baryayaa inuu xilkaas u fududeeyo. Aamiin.
Sawirrada hoose waa Safiirka Taiwan u fadhiya Midowga Yurub Iyo Dalka Belgium oo Wasiir Liibaan Iyo aniga nagu soo dhaweeyay Safaarada Taiwan ay ku leedahay magaalada Brussels ee Dalka Belgium 28/06/2018

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this