Sign in to follow this  
Deeq A.

Heritage oo soo jeedisay muddo kordhin ama arrin kale oo lagu xalin karo muranka ka taagan doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Bishii Luuliyo 2019, Machadka Heritage waxa uu soo saaray daraasadeenii saameynta laheyd ee doorashooyinka Soomaaliya waxaana ku soo gabagabeyney fikirka ah doorasho xor iyo xalaalah, qof iyo cod ah, in lagu qabto waqtigii loogu talagay, “in ay adag tahay – haddiiba aysan suurtagal aheyn”. Waxaan soo sheegnay inay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin khilaafka siyaasadeed ee sii xoogaysanayey ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dowlad goboleedyada, jritaan la’aanta shuruucda lagu maamulayo doorashooyinka iyo xasillooni darrada ka sii daraysa ee ka jirta dalka oo dhan. Mar labaad, Bishii Meey 2020, waxaan mar kale soo saarnay qoraal kooban kaas oo ku baaqeyey baahida loo qabo in laga wada hadlo xalna laga gaaro nooca doorashada ee suurtagalka ah, iyada oo ay muuqatay in doorasho qof iyo cod ah (DQC) aysan waqtigeedii ku dhici doonin. Labadaas marba dhinacyo badan, gaar ahaan DFS, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa dhalliilay daraasadaheennii kuna sheegay “qeylodhaan aan loo baahney oo aan waqtigeedii la gaarin”.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintii guddoomiyaha GMDQ ee ay golaha shacabka ka hor jeedisay 27 Juun 2020 waxa ay machadka ku waafaqday qiimeynteennii hore. Hadal jeedinteedii, Marwo Xaliima Ismaaciil, waxa ay markii ugu horreysay caddaysay, in GMDQ uusan ku qaban karin doorasho qof iyo cod (DQC) ah waqtigii loogu talagalay . Waxaa xusid mudan, in guddoomiyaha GMDQ uu ku tilmaamay “khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jira saamilayda siyaasadda, nabadgelyo-xumada iyo shuruucda doorashada oo aan dhameystirnayn” inay yihiin sababaha ka hor-istaagey GMDQ in doorasho qof iyo cod ah uu waqtigeeda ku qabto.

Ayaan darro, labada nooc-doorasho ee uu GMDQ u soo bandhigay golaha shacabka ay yihiin kuwo irdaha u furaya waqti kororsi loo sameeyo DFS (Madaxweynaha iyo Baarlamaanka). Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah labada nooc-doorasho (ee ku saleysan cod bixinta teknoolajiyadda casriga ah ee biometric) ayaa waafaqsan sharciga doorashada. GMDQ wuxuu sheegtey inay ku hirgalin karaan doorashadan 13 bilood iyada oo ay ku kacayso ku dhawaad 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Xulashada labaad (Is-diiwaangelinta warqadda ku saleysan, ee isdiiwaangelinta iyo coddayntuba ay hal maalin dhacayaan) ayaa ah mid baalmarsan sharciga doorashada ee hadda jira. Sharciga doorshada ee hadda jira wuxuu si cad u qeexayaa inuu yahay mid ku saleysan hannaanka teknoolajiyada biometric-ga. Wax ka bedelistiisuna waa macquul, laakiin waxa uu sii dheereynayaa waqtiga.

Muddo sanado ah, GMDQ waxa uu si isdaba joog ah ugu xaqiijineyey shacabka Soomaaliyeed ee daalley iyo saamileyda siyaasadda ee fara-baxsiga ah in doorasho qof iyo cod ah ay ku dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay, inkasta oo ay muuqatay caddeymo badan oo taas liddi ku ahaa. Dabayaaqadii bishii Maajo 2020, guddoomiyaha GMDQ waxa ay si cad ugu adkeystay in GMDQ ay diyaar u yihiin in ay ku qabtaan waqtigeeda doorasho xor iyo xaalaah ah. Oggaalley badan uu ka mid yahay Machadka Heritage ayaa ka digey kuna calceliyey marar badan cawaaqib xumada ka iman karta mudo kororsi, qaylo dhaantoodana ku sheegay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhalan kara muddo kororsi sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsaney, laakiin dhag jalaq looma siin.

Intaa waxaa dheer, deeq-bixiyayaasha caalamka ee muhiimka u ah arrimaha Soomaaliya, oo muddo sanado ah ku adkeysanayey in aanan la aqbali doonin wax ka badalan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, daah furan, isla mar ahaantaana la isku wada raacsan yahay oo qof iyo cod ah (DQC), ayaa qaarkood si lama filaan ah ugu taageeraya barta (twitter-ka) soo jeedinta labaad ee ee warqadda ku salaysan ee ay soo bandhigeen GMDQ – taas oo aan sharciga doorshada waafaqsaneyn, hannaankaas-doorasho oo horseedi kara ku-xadgudub baahsan iyo boob ama ku shubasho doorashada ee aan nooceeda horay loo arag, taas oo dhalin karta, xasilooni darro hadda laga baaqsan karo.

Waxaa muuqata inay go’aankaas degdega ah u qaateen masuugid dhaqaale, waxayse iska indha tirayaan suura-galnimada iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karta doorashooyin si fudud loo xadi karo. Waa arrin la fahmi karo, in badan oo Soomaalida ah iyo weliba saaxiibada caalamka inay ku jaahwareersan yihiin gaabinta dhanka horumarka ee dib udhiska iyo dimoqraadiyaddeynta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaate, iska indha-tirida baahida loo qabo in tabar-la-socdo oo arrinkan lafdhabar u ah ayaa wuxuu sii adkayn karaa xaaladda Soomaaliya oo horay u murgsaneyd. Taageeradda, lala degdegay ee aan laga fiirsan ee qaar ka mid ah beesha caalamka ee “xulshada ku saleysan ku codaynta waraaqadaha”, ayaa sii kordhindoona khilaafka siyaadaseed ee u dhaxeeya hayaddaha dowlada Soomaaliya.

Afartii qodob ee wax-ka-beddelka sharciga doorashada ayuu hadda ansixiyay Golaha Shacabka (in kasta oo arrimahaas ay muranno siyaasadeed ku gadaaman yihiin), qodobka ugu dambeeya ee ku saabsan wax ka baddelka sharciga xisbiyada siyaasadeed ayaa weli doodiisa soctaa. Sida ku xusan is afgardkii guddiga wadajirka ah ee baarlamaaka ee dhameystirka sharciga doorashada, Aqalka Sare waa inuu sidoo kale ansaxiyaa wax ka badalida ka hor inta aan loo gudbin madaxweynaha si uu u saxiixo. Nasiib darrose, labada aqal ee baarlamaanka ayaa isku haaya dariiqa loo marayo dhameystirka sharciga doorashada, Golaha Shacabka ayaa aaminsan in wixii intaa ka dambeeya, uusan u baahneyn inuu u gudbiyo shuruucdaas Aqalka Sare, maxaa yeelay, waa sida hadalka ay u dhegeena, ‘wax ka badalku waa “qaraar” aan u baahnayn oggolaanshaha Aqalka Sare. Xaqiiqadiise, sida ku cad Dastuurka, labada gole ayaa si wada jir ah awood loogu siiyey inay sharciyada dejiyaan, maantayna u mudan yihiin in ay wadashaqeeyaan.

Sababahaas oo dhan daraadood, ayuu MachadkaHeritage si xoogan u aaminsan yahay in ay soo xirmayaan albaabadi oo dhan ayna jirto fursad aad u yar oo lagu xallinkaro xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay. Si taas loo gaaro, waxaan soo jeedineynaa in la qaato laba talaabo midkood, kuwaas oo ka hortegi kara in xaaladdu gacanta ka baxdo, wadadana u xaari kara is-afgarad, horseedina karta inuu abuurmo jawi lagu wada shaqeyn karo oo ka dhex dhasha hormuudka saamilayda siyaasadda.

1. Doorashooyin Dadban oo Siyaasad Ahaan Looga Heshiiyey

Sida aan ku soo sheegnay daraasadeenii Luuliyo 2019 iyo qoraalkeenii koobanaa ee Mey 2020, habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo qaab doorasho oo ay isla oggol-yihiin hormuudka saamilayda siyaasasda (DFS, DG iyo axsaabta siyaasadeed ee diiwaangashan) waa wada-hadal iyo is-qancin siyaasadeed oo sal ballaaran, saldhigiisuna yahay, ugu dambeyntiina horseedi kar doorashooyin loo dhan yahay oo dadban. Waa arrin la fahmikaro, in badan oo Soomaalida ah iyo deeq-bixiyayaasha caalamkuba, in ayasan aad ugu qanacsanayn doorasho kale oo dadban, marka la eego taariikhdii madoobeyd ee laga dhaxlay hannaan doorashaadkii 2016/17. Laakiin ku hanweynaanta doorasho qof iyo cod ah ayaa u muuqata mid khiyaali ah; isla markaana waqti kororsi daneed oo ay ku kacaan masuuliyiintu xilka haya ayaa wuxuu noqonayaa ku xadgudub sharciyeed iyo mid siyaasadeed. Dhab ahaantiina, waa lagama maarmaan in la xuso in xaaladda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. DFS, DG-yada iyo mucaaradkaba maysan la’iman masuuliyad hogaamineed. Hab dhaqankoodii qaldanaa ee qaar ka mid ah joogtada ahaa wuxuu wiiqayey hay’adihii dalka, waxayna carqaladeeyeen dadaalkii dawlad-dhisidda. DG-yada waxay wakiilo ku leeyihiin hay’adaha dowlada ha ahaadaan golaha shacabka, aqalka sare ama golaha wasiirrada, haddana, ma wada aqblaan go’aannada hay’adahaas.

Sababaha ka dhigaya maangal doorasho dadban oo siyaasadahaan looga heshiiyo:

Ugu-horayn, sharciyadda dastuuriga ah ee baarlamaanka federaalka iyo DFS labadaba waxay dhacayaan dhowr bilood gudahood (27 Diseembar 2020 iyo 08 Febraayo 2021 midba). Dastuurka ku meelgaarka ah isna si cad ayuu u tilmaamayaa in muddo kororsi ay ku kacaan dhammaan masuuliyiinta la soo doortay oo ka baxsan waqti xileedkooda afarta sano ah ay xaaraan tahay. Sidaa daraadeed, baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta sharcicga uma saamaxayo inay iskood muddadda u kororsadaan.

Tan-labaad, xitaa haddii dhammaan saamileydu aqbalaan soojeedinta kaliya ee GMDQ ee lagu kalsoonaan karo (biometric-ka), Guddigaas oo waajibaadkooda uu ku egyahay bartamaha sanadka soo socda, 13ka bilood kuma filna. Sida aan ku soo sheegnay qoraalkeenana kooban ee bishii Mey ee sanadkan, waqtiga ugu yar ee lagu hirgelinkaro nidaamka (biometric-ka), ayaa ah ugu yaraan18 bilood ilaa labo sano – taasina waa marki la wada helo agabki loo baahnaa oo dhan ayna diyaar yihiin waxkastoo oo ay kujiraan sharciyada, dhaqaalaha iyo amniga. Soomaaliland waxay bilowday qaadashada hannaanka biometric-ga (2007 nooca faraha) iyo 2014 (nooca casriga ah ee indhaha), saddex sano kaddib ayayna midka indhaha u isticmaashay doorashadii madaxweynaha, arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliland way ka deggen yihiin kuwa ku gedaaman DFS.

Weliba, marka la eego dhanka musuqmaasuqa, nooca doorsho ee waraaqaha ku salaysan, waxaa laga yaabaa in uusan ka musuqmaasuq yareyn doorashooyinka dadbanaa ee dalka ka dhacay xilliyadii hore. Sidaa daraadeed, wax kasta oo aan ka ahayn qaabka doorashada ee ku saleysan is-afgaradku waxa ay noqon doonaan qardajeexid.

2. Muddo Kordhin Siyaasadeed Ahaan Looga Heshiiyo

Soo jeedinta labaad waxa ay noqon kartaa heshiis siyaasadeed oo laga gaaro dib-u-dhigista doorashooyinka

  1. oo la mid ah Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhex dhaca hormuudka saamileyda siyaasadda. Xaaladahaan oo kale, saamileydu (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) waxa ay ku heshiin karaan in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka. Tani waxa ay dhici kartaa oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran.

Xukuumadda Midnimo Qaran waxaa la siin karaa qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey:

a. Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada;

b. In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka;

c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta;

d. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa;

e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al Shabaab iyo ISIS.

Labadaas sano gudahood, dowladda midnimada qaran, ee lagudhan yahay, si loo hirgeliyo shuruucda loo baahan yahay waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa labada aqal ee baarlamaanka, dowlad goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan iyo bulshada rayidka ah, si ay u hesho taageerada uga badan ee uu

  1. u baahan yahay barnaamijkeeda. Beesha caalamkuna waa inay siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale qorshe-hawleedkaas haddii Soomaalidu isku raacdo oo ay ku heshiiyaan: dowlad midnimo qaran iyo waqti-kordhin ku salaysan in loo guntado shaqooyinkii la dayacay, dalkana loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah, loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dad-sameega ah ee curyaamiyey geeddi-socodkii dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Gunaanad

Waxaan si aad ah u ognahay in kala-doorashooyinka aan soo bandhignay aysan aheyn kuwo ceeb la’, oo waan fahamsan-nahay in dad badani ay u arki doonaan wax aan loo dulqaadan karin doorasho dadban iyo waqti korarsiba. Meesha arrintu ay hadda taallo waa laga hortagi karay haddii DFS iyo DG-yada ay iska kaashan lahaayeen oo ay howshooda horay u qabsan lahaayeen iyo haddii GMDQ ay uga digi lahaayeen dadka Soomaaliyeed horraantiiba inysan dhici karin doorashada qof iyo cod (DQC) ah sidii loo qorsheeyay.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo maskaxda lagu hayo habka tabar iyo taag socodka ah iyo mabaadii’da ah ha uga darin, machadku waxa uu had iyo jeer u ololeeynayey habka go’aan qaadashada ku saleysan wadar-ogolka Soomaalida dhexdeeda ah, maaddaama ay si weyn u yareyn karto dhiillooyinka iyo colaadaha. Taasina waxaan u samaynaa annaga oo faham dheer u leh duruufaha dhaqan-siyaasadeed ee dalka, oo ay ragaadisey is aaminaad la’aan aad u qoto dheer iyo dib-u-heshiisiin aanan caga badan ku taagneyn oo ka dhex jirta dadka. Mar kale, waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa in aan ku boorinno hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida in aysan lumin fursaddan arrimaha doorashooyinka wada hadal xalka looga gaari karo.

Shirka loo balansanyahay ee la filayo in uu dhax maro madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaasha dowlad goboleedayada waa fursad dahabi ah oo lagu gaari karo is-afgarad ku saabsan qodobada la isku khilaafsan yahay. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay caan ku ahaayeen is-aaminaad darro qoto dheer oo dhex taalay DFS iyo DG-yada, madaxweyne Farmaajo-na wuxuu doortay inuu DG-yada ula dhaqmo si adag oo xagjirnimo siyaasdeed ah. Hab-dhaqankaas wax natiijo fiican ah uma soo kordhin dalka ama madaxweynaha qudhiisa. Hadda waxaa la joogaa waqtigii saamileyda siyaasadeed ee dalku ay caqligooda isugu geyn lahaayeen sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo looga gudbo xiisadda doorashada kaabiga inagu soo haysa. Sidoo kale, beesha caalamku waa in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xalka, maaddaama dadka Soomaaliyeed ay si dhow isha ugu hayaan ficiladooda iyo sida ay u abbaaraaan arrinkan.

Warbixintan waxaa diyaariyey Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this