Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Dhuusamareeb ee ciidamada Haramcad iyo NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu istaagii iska hor imaadkii u dhaxeeyey ciidamadii ka kala tirsanaa Dowladda ee halkaas ku sugan.

Dagaalka oo ka dhacay xaafado kamid ah Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan agagaarka Xero Inji illaa Madaxtooyada ayaa wuxuu u dhaxeeyey Ciidamada Nabad-Sugida iyo Ciidanka Booliska ee Haramcad.

Odayaal dhaqameedyada magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuleystay inay dagaalka joojiyaan, waxaana hadda socdo wadahadal lagu doonayo in dhacdadaas lagu soo afjaro.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay askari ka tirsan ciidanka Nabadsugida lagu dilay Dhuusamareeb, isla markaana arrintaas ka dhalatay xiisada u dhaxeysa labada ciidan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka maanta ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Ruux oo isugu jira Ciidamada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Dhanka kale Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka hadashay dagaalkaan ayaa magacowday guddiga soo baaro sababta keentay iyo cidda ka dambeysay.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this