Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalkii Haramcad iyo NISA ee Dhuusomareeb iyo Galmudug oo ka hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal maanta duhurnimadii gudaha magaalada Dhuusomareeb ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo muddo hal saac ah socday ayaa markii dambe ku istaagay dadaalo ay sameysay Galmudug, waxaana ku dhaawacmay inta la ogyahay ilaa 5 ruux, kuwaas oo isugu jira ciidamadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug ayaa lagu sheegay in dhacdadaas loo saaray Guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah.

Gamudug waxay tilmaantay in Guddiga loo xilsaaray arrintaas uu soo baari-doono sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas.

Sidoo kale Galmudug ayaa ugu baaqday ciidamada Dhuusomareeb ku dagaalamay in ay ilaaliyaan xasiloonida degaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.

Dagaalkan ayaa ka bilaawday sida wararku sheegayaan muran ka taagnaa maalmahan adeegsiga bar koontrol oo ciidamada Haramcad ay maamulaan, taasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan NISA.

PUNTLAND POST

The post Dagaalkii Haramcad iyo NISA ee Dhuusomareeb iyo Galmudug oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this