Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Matxafka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda.

“Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.”

Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

56A6953.jpg matxafka.jpg 56A7043.jpg 56A7037.jpg 56A6965.jpg Farmaajo.jpg 56A7001.jpg 56A7000.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this