Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee 1-da Luuliyo oo Xalay dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay  ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay, cutubyo ka tirsan Ciidanka dowladda, kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Shacabka,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Waxaase hadal-hayn dhalisay, in Madaxweyne Farmaajo uusan xalay khudbad ka jeedin Munaasabadda, islamarkaana la sheegay in uu dib u dhigay Khudbaddiisa oo uu Maanta jeedin doono.

PUNTLAND POST

The post Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee 1-da Luuliyo oo Xalay dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this