Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in aysan ka qayb-gali doonin Shirkii Farmaajo iclaamiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay in aysan ka qayb-geli doonin, Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo sida qorshaysnayd 5-ta bishan Julay ka qabsoomi lahaa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo, ayaa caddeeyay in uusan ka qayb geli doonin Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, islamarkaana uu ku shaqayn doono Baaqii Golaha Wakiilada Puntland ay ka soo saareen Shirkaas.

Shirka oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa Ajandihiisa lagu sheegay sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, Arrimaha Amniga, Dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in aysan ka qayb-gali doonin Shirkii Farmaajo iclaamiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this