Sign in to follow this  
Deeq A.

Interpol oo ka jawaabtay dalabkii Iran ee ahaa in la soo xidh Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Interpol oo ka jawaabtay dalabkii Iran ee ahaa in la soo xidh Trump

 interpol.png

Dowlada Iran ayaa warqad ay u dirtay booliiska caalamiga ee Interpol kaga dalbatay in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xubno kale oo Iran ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dilka Jeneraal Qasim Sulemani.

Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil , waxa uuna ka dalbaday  Interpol in dadkaasi lasoo xiro.

Booliska caalamiga ah ee Interpol oo saldhigiisu yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa dhagaha ka fureestay dalabka dowlada Iran, waxaana xubno katirsan Interpol sheegeen in aysan tixgalin doonin codsiga Iran .

Interpol ayaa sheegtay in sharciga u yaala uu ka mamnuucayo inay sameeyaan tallaabooyin ku aadan siyaasad, milateri, arrimaha diimaha la xiriira iyo waliba midab takoorka.

Warbaahinta caalamka ayaana wali aad u hadal heysa codsiga dowlada Iran u dirtay booliiska Caalamiga ee ku aadan in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this