Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wakiilada Jubbaland oo aqbalay codsigii Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe u kordhiyey muddada uu ku soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay ayaa dhammaan u codeeyey in muddo 90 cisho ah loogu daray madaxweynaha, si uu ugu soo magacaabo golaha wasiirada Jubbaland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa qaadacay shirka amniga qaranka ee uu dhawaan shaaciyey in Muqdisho lagu qabanayo madaxweynaha Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in Jubbaland aysan gabi ahaanba ka qeyb-gelin doonin shirkaasi oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha soo socota, iyaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe in ay ka gaabisay dadaalladii laga sugayey ee u diyaar garowga doorashooyinka 2020/2021.

Horey waxaa shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada u diiday Puntland oo ka hortimid hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo saameeyey wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda dhexe.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this