Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

From 'unukaa leh' to 'unu isku le'

Recommended Posts

gooni   

Xamar

Waxaa iigu dambaysay 87'kii bushii 3aad, kuma dhalan sida gabadhu sheegtay. Balse waan ku caqliyastay dugsi hoose, sare ilaa shaqo qaran.

Waxaan transit ku noqday wax ka yar saacad 2013 airport'ka muqdisho waxaan taagnaa diyaarada hoosteeda anigoo indhahayga marnaba ka leexin waayay badda oo midabkeedu ahaa buluug "tiq" ah.

Ma fiirinayn quruxdeeda lakiin waxaan galay xasuus yaraantaydii igasoo martay meesha indhahaygu markaas hayaan oo ahayd jabal ama "jamal"  aan kasoo boodi jirnay si aan biyaha hoose ugasoo noqono si dabaal xirfadaysan ku jirto.

Waxaan ku imaan jirnay aniga iyo caruur kale si aad u dhib badan. 

Waxaan kasoo dusi jirnay siligga anagoo godkii muuri lugaha kusoo qoynay intaan hawada iska fiirino in wax diyaarada kusoo jirto yaan si dhaqso ah dhabaheeda orad ku goyn jirnay.

Saacadaas waxaa i dawayn lahaa ingoo maqla guuxeeda balse nasiib daro buuqaa badnaa.

Gabadhaan warkeeda beel hebel baa boondheere bar ka degenayd waxba kama jiraan.

Cid qabiil daris ku ahayd muqdisho ma jirin haba yaraatee, xataa gobolada meeshii aabahaa shaqo loogu badelo yuu ku ilmo dhali jiray gurina ka dhisan jiray.

Xamar waxay ahayd 13- degmo. 

Waxaa sanadahaas dhul bixin ka socotay xaafad bacaad ku taala oo  gubadley la oran jiray oo xeebta xigtay, ma hubo inay kaaraan hoos tagaysay iyo laga doonayay xaafad gaara laakiin waxay ku socotay qorshe sax ah iyo dhulbixin dawladeed ah.

Waxaan maqlay midiina markii la dhaafo tabakaayo madaw waxaa degay beel aan dawladu maamulin oo iskeed u qaramawday waxaa loo bixiyay kaxda.

Waxaan kaloo maqlay xeryihii ciidanada iyo dhulkii isbitaalka xoogga ka dambeeyay waxay noqotay xaafad beelu degtay oo aan dawladu maamulin waxaa loo bixiyay dayniile.

Ma garanayo degmada 16-aad meeshay ka sameeyeen.

Muqdisho hadii la abaal marinayo xaqiiqdii way istaahishaa lakiin waxaa lagu abaal marin karaa inaysan beel gaar u yeelan 

hadiise dalkii beelo kala goosteen oo siligga aan laga dusi karin dad caadila oo ka dhashay dadkii loogu yimid asalkeedii hore gacanta ha loo geliyo.

Haday inta bisleeyaan oo lawada faraxasho waxa mar walba faa'iidaya waa reer banaadir.

Haday reer garoowe wax ka siiyaana dadka faa'iidaya waa reer banaadir dadku waa dhaqaale meeshii dad joogo yaa dhaqaale laga sameeyaa waa lasoo jiitaa oo waliba kursiga looga kacaa.
 
Share this post

Link to post
Share on other sites
On 7/1/2020 at 3:18 AM, gooni said:

Xildhibaanadaan ku qabso ku qadi meysidee wadaa nooh. Dadkii indhaha adkeyn jiray ayaa laga bartay ee ku dhibeysaa. Jartooda la ciyaareysaa.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Reer 'anaa iska leh hee' waa imaadeen iyagana:

Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir

202072637292925727573152.jpg

202072637292921705957559.jpg

Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.

War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.

Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.

Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.

Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.

Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir .

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.