Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo Iska Fogeysay Bogaadinta Xaliimo Yarey ee Arrimo Doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobey , xafiiskeeda Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Xaliimo Yarey iyo guddigeeda ku bogaadiyeen arrimo doorasho la xiriira.

Xafiiska UNSOM oo la soo xiriirtay Goobjoog News ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay in xafiiskoodu uu Xaliimo iyo guddigeeda ay ku ammaaneen wax hannaan doorasho la xiriira iyaga oo intaa raaciyey keliya iney bogaadiyeen hadaljeedinta iyo hortagisteeda golaha, kuna taliyeen in wadahadal iyo heshiis guud laga galo doorashada.

Xaliimo Yarey ayaa golaha shacabka ka hor hadashay 27-kii June iyada oo soo badhigtay laba hab doorasho, arrintaas oo la sheegay iney qaramada midoobey soo dhoweysay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this