Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo ka digay kuraasta BF Soomaaliya ee la xawilayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay  lumaan kuraastaasi.

“Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahan tahay in laga fakiro inta aysan dhicin.

Mursal oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada ayaa ku baaqay in kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this