Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Lagu Helay Dambi Ah In Uu Xaaskiisa U Sameeyay Shaqo Been Abuur Ah Oo Lagu Xukumay Xadhig

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Raysal wasaarihii hore ee dalka Faransiiska François Fillon iyo xaaskiisa ayaa lagu riday xukun xadhig ah kaddib markii lagu helay dambi inay ku lug lahaayeen sameynta shaqo been abuur ah.

François Fillon oo ahaa siyaasi ka tirsanaa xisbiga conservative-ka ayaa lagu helay dambi ah in xaaskiisa Penelope Fillon uu mushaar ahaan u siin jiray $1.3m kaddib markii la siiyay shaqo ayna weligeed qaban oo ah inay kamid aheyd shaqaalaha baarlamaanka.

Waxaana Ra’iisul wasaarihii hore ee Faransiiska lagu riday shan sanno oo xadhig ah, waxaana meesha laga saaray saddex sanno oo kamid ah shantaas sanno.

Fadeexaddan waxay horseeday in uu meesha ka baxo damaciisii ahaa in uu tartarmo doorshadii madaxtinimada dalkaas sannadkii 2017-kii.

Waxay go’aankan maxkamadda ka qaateen racfaan taas oo meesha ka saareyso in si deg deg ah loo xidho Fillon.

Ninkan 66 jirka ah, waxaa uu noqonayaa siyaasi hayay xil sare oo Faransiis ah oo lagu rido xukun xadhig ah tan iyo sannadkii 1958-dii.

Go’aanka maxkamadda
Garsooraha maxkamadda waxaa uu sheegay in Mrs Fillon lagu helay dambi ah in loo sameeyay shaqo been ah, waxaana sidoo kale lagu helay dambi ah in ay lunsatay lacagta dadweynaha.

Waxaana François Fillon iyo xaaskiisa lagu ganaaxay $423,000 oo doolar, waxaa sidoo kale lagu amray inay soo celiyaan €1m oo lacagta giniga ah kaddib markii Penelope Fillon la sheegay inay ka shaqeyneysay baarlamaanka laga bilaabo sannadkii 1998-dii ilaa 2003-dii.

Seygeeda waxaa laga mamnuucay in muddo 10 sanno ah wax shaqo ah ka qabto xafiis dawladeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this