Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay hubinta xafiisyada ururada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15934433536728524.jpg?w=1000&ssl=

Guddiga ku meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ka bilaabay magaaladda Garowe hubinta xafiisyada ururada siyaasadda, taas oo qayb ka ah nidaamka lagu hubinayo sida ay u fuliyeen ururadu shuruudaha is-diiwaangelinta.

Maanta oo Isniin ah Guddigu doorashooyinka Puntland ayaa booqday xafiisyada Garowe ee urur siyaasadeedyada Bakaal, Caddaaladda iyo Sinnaanta, Mustaqbal, Mideeye, Kaah iyo Himilo.

Hubinta xafiisyada ururada ee magaalada Garowe ayaa lagu wadaa in ay soo gaba-gabowdo maalinta berri ah ee 30-ka June 2020.

Sidoo kale Gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay booqashooyin ku tagi doonaan dhammaan xafiisyada urur siyaasadeedyada ee gobolada Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa 22 bishan Jun shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay dhameystireen shuruudihii diiwaangelinta wajiga 2-aad, kuwaas oo hadda maraya hubin.

FB_IMG_15934433987034765.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15934433857714719.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15934434206729121.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15934433924013376.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15934433712016282.jpg?w=1000&ssl=

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay hubinta xafiisyada ururada siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this