Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo Lagu Soo Dhoweeyey Cabudwaaq+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo maalmahan socdaal ku maraya deegaannada Galmudug ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiiro iyo Xildhibaanno waxaana markii ay soo gaareen Caabudwaaq, waxaanahalkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada ee magaalada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan madaxda Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Degmada ay qabto baahiyo gaar ah oo ay u baahanyihiin sidii looga xalin lahaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo bulshada la hadlay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin Degmada Caabudwaaq waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, iyagoo la filayo in munaasabadda 1-da Luulyo ay uga qeyb galaan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.0c20d4fc-8bdf-425c-b9d9-e4e4d4f03e29.jpg

0d0dcee1-5e4a-460f-8d41-6038100afef4.jpg

1ade83ce-b832-4480-93e9-1a54ef50fa15.jpg

2e7420a5-089f-4a30-8495-01ed10e37cc0.jpg

3a2896ca-6f59-4916-ae2b-498e0e65fbd8.jpg

3f76f53b-5139-4148-8c92-df79833602d0.jpg

4a9342f3-74b6-4d95-87d5-4574659b972b.jpg

6ef2bd60-0176-4866-86e6-d3c43c9cf963.jpg

9f3ebeae-664d-43af-830a-ba601a82cc6d.jpg

48e2ed1c-a3e6-4b35-9d7a-12f87ccc47e7.jpg

74c61e99-35f2-4d0a-aa4a-b009e5279d76.jpg

76a25acd-61f7-480f-8d83-7cdc402779ef.jpg

95f3d603-cf0a-400a-af23-8720f3110a02.jpg

251dd0dc-f902-476a-abcc-a208367edbbd.jpg

722f909e-8b67-4aa8-9bfe-47d278effef9.jpg

b3e88adf-86b6-41e1-bba5-e96245047a72.jpg

38440d3d-05fd-43f6-87fa-ee284aa85788.jpg

e57fde73-8d90-40f8-b9a7-7b1b91830e95.jpg

eaa2508e-77be-4e46-9cb6-1e6153d04c1c.jpg

ef983dcd-647e-437c-afc9-f06549e9aa63.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this