Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii ka socday magaalada Feer-Feer oo lagu kala tegay + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta lagu kala booday shir dib u heshiisiin ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday gudaha magaalada Feer-Feer oo ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wuxuu u dhexeeyey mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka Hir-Shabelle & dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, si xal waara looga gaaro dagaal beeleedyo soo noq-noqday oo marar badan ka dhacay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirka lagu kala tegay, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qaar ka mid ah qodobadii miiska la soo saaray oo la sheegay inuu ka biyo diiday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wafdiga uu hoggaaminayey Cali Jeyte ay markii dambe dib ugu soo laabeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Arrintaan ayaa sii hurin karta xiisada u dhexeysa labada dhinac, maadaama weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this