Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo billowday dib u dhiska waddada Muqdisho iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa billowday dib u dhiska Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu dherekeedu yahay 90 KM.

Mashruucan waxaa fulineysa Dowladda Qadar oo horay u ballan qaadday dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Howsha dib loogu dhisayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe oo shalayto billaabatay ayaa waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, C/xakiin Cumar Cabdille (Jacfaan),

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay howl-wadeennada dhismaha Waddada, wuxuuna kula dar-daarmay in ay muujiyaan dhabar adayg, maaddaama ay ku xeeran yihiin duruufo badan.

Inta badan Waddooyinka isku xira Gobollada Dalka ayaa waxaa ku yimid bur-bur xooggan Soddonkii Sano ee ugu dambeysay, iyadoo ay dhibaato kala kulmaan Gaadiidleyda.

Hakan hoose ka daawo sawirrada:-

Jacfaan3.jpg Jacfaan2.jpg JACFAAN-1-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this