Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator C/raxmaan Faroole oo si adag u cambaareeyey go’aankii BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka dalka, gaar ahaan matalaaddda gobolka Banaadir laga siiyey golahaasi.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay maalin ka hore meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood.

Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay horey uga hortimid mataaladda G/Banaadir, waxaana arrintaasi maanta xasaasi ah ka leh golaha wakiilada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this