Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yareey oo ka jawaabtay eedeyntii Madasha Xisbiyada Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in guddigooda uusan laheyd wax eed a, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada.

Xaliimo Yarey oo ka jawaabeysay eedeyn uga timid xisbiyada qaar ayaa intaas ku dartay in guddigu uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday, iskuna isku casili karto.

“Annaga waxan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo shaqadii naloo diray aan qaban weyno,Feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yarey.

Ugu dambeyn Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this