Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerar ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen saldhigga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

Ma shaacin Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha AMISOM oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramaya ain ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay howl-gallo kooban ka sameeyeen gudaha iyo duleedka Beledweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this