Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Jabuuti uga mahadcelisay dib u yag-leelida dowladnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy ayaa Caawa ka qeeyb galay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee Dijbouti sanadkii 2000.

Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa hadal kooban ka jeediyay xaflada waxa uu ugu horeen u mahadcaliyay Madaxweynaha dalka aynu walalaha nahay ee Dijbouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowalada Dijbouti oo uu sheegay in ay si weyn ugu qeeb qaateen dib u u yagleelida dowladnimada Soomaliya Shacabka Soomaliyeedna aysan marnaba iloowi doonin abaalka ay ugu galleen walalahooda Dijbouti

Ugu danbeeyntii guddoomiyaha ayaa umahadceliyay qabanqaabiyaasha xaflada oo ay ugu horeyaan Wasiirka Wasaarada Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayyir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guud ahaan inta ka soo qeeb gashay Xuska 20 guurada Dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Degmada Carta Dijbouti ee Sanadkii 2000.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

106188942_869158726906526_47536535340282 73128700_869158166906582_180056591786691 106120562_869158106906588_44069292089124 106500772_869158013573264_91249661871005 83426154_869157936906605_173604635584568 106094408_869157903573275_50960794014483 106203381_869157860239946_21653151514232

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this