Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka baaqsatay shirkii Muqdisho, kuna dhawaaqeyso go’aanno culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland ay ka baaqatay shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo uu dhowaan shaaciyey madaxweynaha Soomaaliya in lagu qabanayo Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqayo go’aankaasi iyo kuwa oo la xariira arrimaha doorashooyinka oo ay horey uga hortimid Puntland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baaqsashada shirka ku wargeliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoona lagu ballamayo kulamo kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay soo saarto warsaxaafadeed ku aadan xiriirka kala dhexeeyay dowladda federaalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada.

Dhinaca kale waxaa haatan baarlamaanka Puntland ay leeyihiin kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan anisixinta xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi .

Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aanno la xariirarrimaha doorashooyinka  ee 2020 illaa 2021-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this