Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka baaqatay Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo sida qorshaysan 5-ta bisha soo socota ee July ka qabsoomi lahaaa Magaalada Muqdisho.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland post u xaqiijiyay in Xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba Shirkaasi ka baaqsatay islamarkaana ay soo saari doonto War-saxaafadeed si faahfaahsan uga hadlaya sababaha ay uga baaqsatay Shirka.

Sidoo kale Baarlamanka Puntland ayaa waxa haatan u socda Kulan deg deg ah oo ku saabsan Go’aankii laga qaadan lahaa Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada soo socota kadib markii Golaha Shacabku ansixiyeen Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir.

Waxaanse weli caddayn Go’aanka Baarlamanka Puntland uu ka qaadan doono Arrimaha Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sidoo kale Doorashada Madaxtinimada ee 2020/21.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka baaqatay Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this