Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Ka Ogtahay Dagaalka Yaabka Leh Ee Sacuudiga Iyo IRAN Ku Dhex-maraya Yurub??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Denmar)-Maxkamad ku taalla magaaladda Roskilde ee dalka Denmark ayaa toddoba sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin heysta dhalashadda dalalka Iran iyo Norway, kaasi oo lagu helay inuu basaasayay, isla markaana uu qorsheynayay inuu dilo dad Iran kasoo jeda oo xidhiidh la leh Sacuudiga, xilli loolanka u dhexeeya dalalkan ku hardamaya Bariga Dhexe uu ku faafay Qaaradda Yurub.

Maxamed Davoudzadeh Loloei waxaa sannadkii 2018-kii loo xidhay in uu basaasayay seddax nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaas dibed joog ka ah dalkoodii, kuna nool Denmark, waxayna sheegteen ragaas in weerar dhimasho ay ka geysteen Iran. Maxamed waxaa uu akhbaarta ragaas u gudbin jiray madaxda iyo Sirdoonka dalka Iran.

Ragga uu ninkaan bartilmaameed sanayay waxaa iyagana lagu xidhay dalka Denmark horraantii sanadkaan, waxaana lagu eedeeyay in ay Sacuudiga u basaasayeen. Waxay sheegteen in aysan dambi lahayn.

Jimcihii, ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Roskilde waxay Davoudzadeh ku heshay dembi, kadib billo ay socotay dacwad qaadis dheer.

Xukunsanahu waxaa uu racfaan u qaadan doonaa Maxkamadda Sare ee Denmark, sida uu sheegay qareenka difaacayay. Xeer-ilaalinta ayaa xukunka waxay ku tilmaantay mid taariikhi ah.

Safaaradaha dalalka Iran iyo Sacuudigu ay ku leeyihiin Copenhagen ayaa diiday in ay arrintaan ka hadlaan.

Dowladda Iran toos ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay. Laakiin markii sanadkii lasoo dhaafay Midowga Europe uu cune-qabateyn kusoo rogay wasaaradda sirdoonka Iran oo lagu eedeeyay inay shirqool ka qorsheysay gudaha dalalka Netherlands, France, iyo Denmark, ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Javad Zarif waxaa uu seddaxda wadan ku eedeyay inay argagixisada qarinayaan.

“Muddo 14 sano ah Booliiska dowladda Denmark waxay ilaalinayeen koox dad ah, iyagoo ka war qaba in ay argagixiso yihiin,” ayuu maxkamadda ka sheegay xukunsane Maxamed Davoudzadeh.

Iran iyo Sacuudiga ayaa ku tartamaya hoggaanka Bariga Dhexe, waxayna isku adeegsan jireen ururro hubeysan oo ay isku weerari jireen gobolka dhexdiisa – laga soo bilaabo dalalka Yemen iyo Lubnaan. Fadhiyadda maatanaha ah ee maxkamadda kasoo muuqaneysa Europe waxay muujineysaa in labada dal ay tartankoodi ka rarayaan Bariga Dhexe, isla markaana Isku qabsanayaan gudaha qaaradda Yurub, iyagoo is basaasaya, is shirqoolaya, isuna adeegsanaya argagixisada, taasi oo khatar gelin karta xidhiidhka diblamaasiyadeed ee muhiimka u ah labada Dowladood.

Markii bishan June la ogaaday in seddax qof oo Iran u dhashay loo maxkamadeynayo in ay Sacuudiga u basaasayeen, goobo militari oo Iran leedahay ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Denmark Jeppe Kofod waxaa uu u yeeray safiirka Sacuudiga u qaabilsan Denmark

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this